November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Sirdoonka Somaliya oo war ka soo saaray nin laga waayay diyaarad Kiiniya u duushey

War ay soo saartay Hay’adda Socdaalja iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa shaacisay inay gacanta ku heyso qof ka tirsanaa rakaabka diyaarad ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kiiniya oo lagu waayay garoonka Wajeer.


Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo warkan qofkan baahisay kadib toddobaad markii kiiskaasi soo abxay ayaa sheegtay in Qofka la waayay lagu reebay Garoonka magaalada Muqdisho, taasoo ay ugu wacneyd iyadoo laga shakiyay dal-ku-gala uu watay, taasoo keentay in laga reebo diyaaradda laakiin ay dhacday in Boorsadii uu watay ay raacdo Diyaaradda.


Qofkan ayaa ah uwaaddin Soomaali oo ku socday dalka Kiiniya, lamana shaacin magaciisa iyo cidda uu yahay, isla markaana waaxda socdaalka Soomaaliya ma sheegin waxa xaalkiisu ku dambeeyay.


Laamaha socdaalka Kiiniya ayaa weli raadinaya qofkan, iyadoo war ay soo saareen ku sheegeen inay ku daba jiraan qofkan, waxaana arrintan ka muuqda inaysan xiriir toos ah lahayn labada hay’ad socdaal ee Kenya iyo Soomaaliya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS