Qarax ay maleegayeen argagixisada shabaab ee dhiigeena xalaashatay ayaa laga badbaadiyay ummada Muslimiinta ee ku nool Muqdisho.
Ciidamada Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka waxay aroornimadii saaki abaaro 6:25am ee 6/February/2017 ka hortageen qarax miino oo argagixisada soo dhigeen waddada Taleex, agagaarka Isbitaalka Deva ee Degmada Hodan, Gobolka Banaadir.
Miinadaas oo ay argagixisadu ugu tala galeen inay ku waxyeeleeyaan bulshada Soomaaliyeed, ayaa ciidamada Sirdoonka ka warheleen, waxaana goobtaas ka howlgalay ciidamada Ka hortagga Qaraxyada ee NISA kuwaasoo si xirfadaysan u furay miinadaas ayadoon wax khasaaro ah ka dhalanin.
Arrinkan waxay ka mid tahay howlaha ciidamada Sirdoonka ay ku badbaadinayaan bulshada Soomaaliyeed, laguna fashilinaayo damaca argagixisada ay ku doonayeen inay ku waxyeeleeyaan Bulshada.


C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay