10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Farmaajo oo wacdaro dhigey iyo Xasan Sheekh oo isku hareen wareega kala baxa

Waxa hadda dhamaatey tirinta codadka wareegii labaad oo ay isku soo hadheen sadex musharax waxana wacdaro dhigey Maxamed Farmaajo oo helay codadka ugu badan halka Xasan Sheekh uu helay 97 cod.



Xildhibaanadii taageersanaa Sheekh Shariif ayaa badankoodu ugu shubey Farmaajo waxana hadhey Sheekh Shariif.

Waxa dadka badankiisu filayaan in Farmaajo garaaco Xasan Sheekh waa haddii musharixiintii codaysay hadda ku celiyaan codkooda.



Lama saadaalin karo sida wax u dhici doonaa waxase hadda la joogaa wareegii ugu dambeeyay. Xarunta doorashada ayaa xasaasi joogta waxana kacay ciidanka AMNIGA SI KHALKHAL U DHICIN.

Haddii Farmaajo guulaysto ayaa waxay noqonaysaa isbedel ku yimaada siyaasada Somaliya.

Toos uga daawo ARAABINEWS