Madaxweynaha cusub ee Somaliya Maxamed Farmaajo ayaa codsi u jeediyay taageereyaashiisa qaasatan Muqdisho kana codsaday in ay joojiyaan rasaasta la ridayo oo ay muujiyaan xasilooni.
Farmaajo ayaa u quus gooyay Xasan Sheekh oo muddo afar sano ah aan waxba u qaban ummada Somaliyeed. Xasan Sheekh ayaa waxa taageersanaa dawladaha jaarka iyo kuwa beesha caalamka.
Xasan Sheekh ayaa lagu xasuusan doonaa heerka xun ee uu kaga tagey Somaliya isagoo abuurey maamul jufeedyo aan loo baahnayn maadaama ayna jirin wax faaiido ah oo ay ku soo kordhin karaan ummada Somaliyeed. Waxna uma tarin oo cod kama helin.
Doorashadii Farmaajo kadib ayaa waxa la ridey rasaas aad u farabadan taas oo laga yaabo in ay waxyeelo u gaysato shacabka waana ta keentay in uu codsiga jeediyo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay