November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Itoobiya oo la shaqayn doonta dawlada shacabka Somaliyeed ee Farmaajo

Guusha madaxweyne Farmaajo ayaa keentay guux siyaasadeed gaar ahaan wadamada jaarka ah iyo kuwa ciidamada ka joogaan oo ka naxay guusha shacabka Somaliyeed. Itoobiya ayaa sheegtay in ay la shaqayn doonto dawlada shacabka Somaliyeed.



Wasiirkii hore ee arimaha dibedda ahna lataliyaha gaarka ah ee raiisal wasaare Desaalin waa ninka lagu magacaabo Tedros Adhanom ayaa sheegay in guusha Farmaajo keenayso isbedel siyaasadeed.



Tedros Adhanom oo la hadlay warbaahinta dalkaasi ayaa si kooban u sheegay in uu ka rajaynayo in uu madaxweynaha cusub la shaqeeyo dawlada Itoobiya iyaguna la shaqeeyaan.



Wuxuuse intaas raaciyay waa in uu Farmaajo khibrad ka korodhsado Xasan Sheekh oo isaga ka horeeyay. Tedros Adhanom, ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee haraadiga ku ah Somaliya ay u taagnaan doonaan la shaqeynta Dowlada Cusub ee u curatay Somalia, waxa uuna meesha ka saaray in Somaliya ay u joogaan dano gaara marka laga soo tagto la dagaalanka argagixisada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS