November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Argagixisada shabaab oo soo bandhigtey nin Kiiniyaana oo isku qarxiyay Kulbiyow

Wargeysyada Kiiniya ayaa soo saaray nin Kiiniya u dhashay oo isku qarxiyay xero Kiiniya ka degan tahay deegaanka Kulbiyow oo argagixisada shabaab ku qaaday bishii hore.

Ninkan ayaa la sheegay inuu waday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka mid ahaa saddex gaari oo lagu weeraray xerada Kulbiyow ee ciidamada Kiiniya, halkaasoo lagu dilay ciidamo fara badan oo dowladda Kiiniya aysan weli shaacin tiradooda, laakiin lagu qiyaasay 67 askari oo Kiiniyaan ah.



Baaritaan ay sameeyeen ciidamada difaaca Kiiniya iyo wakaalado kale ayaa lagu xaqiijiyay in Anwar Yogan Mwok uu ku dhintay qarxii is-miidaaminta ahaa ee uu la beegsaday xerada Kulbiyow 27 Janaayo 2017. Xerada oo ay ku sugnaayeen ciidamo Kiiniyaan iyo kuwa Soomaali ah ayaa qasaare lixaad leh ka dhacay.



Ninkan is qarxiyay laba kale oo Kiiniyaan ah oo lagu magacaabo Ramadhan Kungwa iyo Erick Achayo Ogada ay ku bireen Shabaab iyadoo Booliska Kiiniya u raadinayo falal argagixiso oo ay geysteen, waxaana madaxooda la saaray lacag dhan 2 million shilinka Kiiniya ah.



Ninkan ayaa la sheegay inuu ku dhashay degaan goboleedka Siaya sanadkii 1981. Wuxuu markii hore ahaa Kirishtaan wuxuuse qaatay diinta islaamka, isagoo ku biiray argagixisada shabaab sanadkii 2013.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS