November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dawlada Somaliya oo war ka soo saartey heshiis la sheegay in Berbera lagu wareejay

Dawladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartey heshiis la sheegay in uu dhexmaray maamulka Somaliland iyo Imaaraadka oo aan aqoonsanayn maamulkaasi iyadoo si musuqa loo maray ayna ka dambeeyeen musharixiin waqtigoodii dhacay.



Hanti dhowraha Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in dowladda Imaaraadka Carabta ay la gasho Heshiis maamulka Somaliland oo ah maamul. Wuxuu intaa ku daray

“Heshiiskaasi wuu qaldan yahay xafiiskayaguna waxa weeyi wuxuu ilaaliyaa Hantida Qaran,Hantida Qaran oo ah Bad Deked Madaar iyo Xuduudaha iyo wixii ah Hantida ma Guurtada ah iyo Hantida Guurtada ah heshiiska ahina waa Qalad dadka xildhibaanada ah ee Somalilandna waxa loo qaybiyey Nuqul aan lahayn cadaymo oo aan lahayn Qodobadii heshiiska la kala saxeexday iyo saxeexyadii waalaga qariyey,

Waxa weeyi Umada deegaankaa degan heshiiskani xad gudub ayuu ku yahay danta Umada iyo dalka guud ahaantoodba laga eegin shakhsiyaadbaa galay iyaga oo ka eegaya dantooda gaarka ah Gacan marisbeyna soo qaateen sharci maaha wax ay umada u qabanaysana ma laha,”



Waxaa uu sheegay in Heshiiskaan uu yahay mid Qalad ah ,islamarkaan si qaldan wax loogu sheegay xildhibaanada Somaliland.

Dhawaan ayaa xildhibaanada maamulka Somaliland ay meelmariyeen Heshiis dowladda Imaaraadka Carabta u ogolaanaya in ay Saldhig ciidan ay ka furato Magaalada Berbera.



Waxaana arintaasi si weyn uga soo horjeestay shacabka gobolada Woqooyi oo u arka in CARAB soo degta dhulkooda ayna faaiido lahayn oo gabdhaha ka kufsan doonto.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS