15/04/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Trump oo ku dhici waayay in uu yiraa safaaradiisa wuxuu u wareejinayaa Al-Quds

Madaxweynaha Maraykanka iyo kan Yuhuuda Netanyahu ayaa shir jaraaid wada qabtey waxase Trump ku dhici waayay in uu ku celiyo hadal uu hore oo ahaa in safaarada Maraykanka uu u rari doono Al-Quds.



Trump oo been lagu yaqaano iyo jaahilnimo ayaa hadda oo uu yahay madaxweyne ku dhici waayay in uu go’aankaas qaato wuxuuna ogaadey tamarta Maraykanku leeyahay.

Mar uu ka hadlayay dhulka Yuhuudu dhisanayso iyagoo xoog kolba dhul u qaata ayuu yiri ”Yuhuudeey bal hakiya dhulka aad boobka ku haysaan. Waxa ku qosley Netanyahu oo agtaagan.



Mar waxa laga waydiiyay in uu wali taageersan yahay dal Yuhuudu leedahay ayuu yiri way jirtey laba wadan oo is garab yaala laakiin ani waxaan jeclahay waxa labada dhinac jecelyihiin.



Yuhuuda waxa taageersan Sucuudiga iyo Carabta Khaliijka waa halka ay dhaqaaqi la’dahay qadiyada Falastiin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS