12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Shirkada faysbuug oo baadheysa ilma yar oo si xun loo isticmaalay lacagna lagu raadsaday

Shirkada Faysbuug ayaa baadheysa ilyar yar oo xanuusan si xun loo isticmaalay aadna lala wadaagey dadka kale. Waxa ka  faaiideysay kooxo hadda la baadhayo oo lacag ku raadsaday.



Ilmahan yar ayaa hooyadii la xiriirtey shirkada ugana cabatey in sawirka ilmaheeda la isticmaalayo oo ay joojiyaan laakiinse waxba lagama qaban. Kooxo ay ku jiraan Muslimiin ayaa dadka u sheegay in ayna dhaafin sawirka ilaa la wadaagaan asxaabtooda iyo jacayl saaraan.

Ilmahan yar ayaa waxa ku dhacay xanuunka caruurnimada ee dadka qaar u yaqaaniin hablabaas afka qalaadna lagu yiraa Chickenbox.



Ilmahan yar ayaa dadka lala wadaagey in ka badan milyan jeer. Waxaanad is waydiin kartaa darxumada kuwo ilmoyar oo caadi ah ku sheegay in uu qabo xanuunka Kansarka.

Halaga fiirsado waxa dadka lala wadaagayo in ay yihiin wax aad taqaan hana la iska jiro dadka yiraa ”wadaag” haddii kale waxaas ayaa kugu dhici oo ah dhaqan ka fog diinteena.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS