November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Trump oo balaadhiyay dadka laga masaafurinayo Maraykanka oo lagu daray kuwa caydha khiyaama

Trump ayaa balaadhiyay dadka laga masaafurinayo Maraykanka oo lagu daray kuwa caydha khiyaama. Warkan ayaa ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha ee dalkaasi Maraykanka kaas oo loo qaybiyay waaxaha amniga.

Warbixin loo qaybiyay waaxaha amniga ayaa lagu sheegay dadka soo galootiga ah ee ugu horeyn laga saarayo dalka sida kuwa dambiga ka galay, kuwa khatarta ku ah amniga dadka iyo shacabka Maraykanka.



Waxase hadana lagu daray kuwa khiyaamay caydha dalkaasi laga qaato oo ay ku Jiri karaan boqolaal Somali ah. Warkan loo qaybiyay waaxaha amniga ee dalkaasi ayaa si marka loo eego qabanaya qof kasta oo booliisku ka hor yimaado oo la tuhmey.



Waxa kale oo warbixinta ku jirta in dadka ka soo galay xadka lagu hayo xero inta kiisaskooda go’aan laga gaarayo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS