November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Fadeexad ka dhacday maamulka Somaliland iyo Siilaanyo oo markale korodhsadey xukunka

Fadeexad ka dhacday maamulka Somaliland iyo Siilaanyo oo laba sano oo kale loogu daray xilli la sheegayo in uu London ku xanuusanayo.

Gudidii loo xilsaaray muda kordhinta maamulka iyo golayaasha, wakiilada waqtigoodii dhamaaday iyo kuwa deegaanka oo muda xileedkoodu uu dhamaaday ayaa ku dhawaaqay muda ay isla garteen in la kordhiyo doorashana ay ku qabsoomi karto

Mudo xileedka madaxweynaha iyo ku xigeenka oo ku eeg 28/4/2017-ka ayaa lagu sameeyay korodhsiimo ka bilaabmaysa 28/4/2012 -ka kuna eeg 13/12/2017

  • Golaha wakiilada oo muda xileedkeedu ku eeg yahay 28/4/2012
  • waxaa loo sameeyay mudo korsiimo ka bilaabmeysa 28/4/2017-ka kuna eeg 28/4/2019

Intaas ka dib gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa soo jeediyay in cod la galiyo, waxaana goobta fadhiyay 75 mudane waxaana u codeeyay 74 mudane, hal xildhibaan ayaa diiday gudoomiyuhuna muu codeynin.



Doorashada golaha deegaanka iyo wakiiladuna isla hal wakhti ayay qabsoomayaan ahna bil ka hor dhamaadka muda  xileedka loo kordhiyay, muda xileedka golaha guurtiduna waxaa uu noqonayaa afar todobaad ka dib muda xileedka golaha wakiilada

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS