Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho xilli amnigiisa ay sugayeen ciidamo Somaliyeed kuwa Amisom.
Xoghayaha ayaa waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa warbaahinta u sharxay waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga Antonio Guterres oo safarkiisa ku koobay Garoonka Aadan Cadde.
Waxay si gaar ah Labada mas’uul diirada u saareen xaaladaha amniga iyo abaaraha ka jira gayiga Soomaaliya. Guterres oo xilkaan qabtay 1-dii January 2017 ayaa safarkiisa uu maanta ku soo gaaray Magaalada Muqdisho, wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu ku yimaado dalka, tan iyo markii xilkaan uu qabtay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS



More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay