Ingiriiska iyo reer galbeedka oo raali ka ah xasuuqa dab caabudku ku hayo Muslimiinta Burma xilli kumanaan Muslimiinta reer Burma ay qoxooti ku yihiin wadanka la jaarka ah ee Bangaladesh.
Ciidanka Burma ayaa kufsi xun kula kacay haweenka Muslimiinta ah nacayb ay u qabaan Muslimiinta awgeed. Haweenayda ka talisa dalkaasi ee Ingiriisku taageero ayaa ka aamustey in ay wax ka qabato dilka iyo xasuuqa ka dhacaya dalkeeda iyadoo isku sheegta in ay dimoqraadi ah.
Ingiriiska ayaa sheegay in ayna rabin in asy sumcada ka dilaan haweenay nin Ingiriisa qabo oo ay muddo taageeri jireen.
Qaramada midoobey oo biilkeeda ugu badan ay bixiyaan Muslimiinta iyo reer galbeedka ayaa soo saartey warbixin cad oo ka hadlaysa xasuuqa iyo kufsiga ka dhaca Burma ee dab caabudku u gaysto Muslimiinta.
Inkastoo xasuuqa uu sii kordhiyay argagixiso waxna tarin laakiin dab caabduka ku dirty Muslimiinta hadana wadamada Muslimiinta ee u dhow Burma ma qaadin talaabooyionkii loogu talogalay ee lagu caawin lahaa muslimiintaas la dilayo.
Saxaafada Muslimiinta ayaa iyaguna ka gaabiyay in ay si fiican uga hadlaan ayagoo kaliya ka hadla marka saxaafada reer galbeedku ka hadlaan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay