Siilaanyo wali ma saxiixin saldhiga milatari ee carabtu ka rabto Berbera waxa sidaas sheegay Muuse Biixi oo xisbigiisu wada iibsaday hantida qaranka Somaliyeed intooda badan magaalooyinka Woqooyiga.
Imaaraadka oo tartan kula jira akhwaan Muslimiinka Turkiga ee Erdogan ayaa raba in uu dhamaan la wareego dekedaha Somaliya iyadoo hadda la sheegayo in Cabdiwelli Gaas lacag ka qaatey rabana in uu Boosaaso ku wareejo.
Wuxuu sheegay in Siilaanyo, aanu saxiixin wax heshiis ah oo ku saabsan in Imaaraadka ay saldhig militeri ka furtaan Berbera , waxaase uu tilaamay in madaxweynuhu uu arintaasi la tashiyo ka sameeyay isla markaana uu hor dhigay golaha guurtida Soomaaliland oo aqbalay heshiiska .
Wuxuu tilmaamay in heshiisku uu ahaa mid qabyo ah isla markaana ka hor inta aanu madaxweynuhu saxiixin uu doonayay inuu la tashiyo kala saneeyo guurtida Soomaaliland iyo madaxda kale ee Maamulka laakiin uusan jirin wax heshiiskaas ku saabsan oo wali Somaliland ay si toos ah u saxiixday.
Heshiiskan ayaa keenay Muran fara badan waxaana Madaxda Soomaalidu ay Imaaraadka ku eedeeyeen inuu doonayo kala geysta bulshada Soomaaliyeed iyo Madaxdooda.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay