30/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Erdogan oo Holland ku tilmaamay Nazi foolxun xilli wasiirkiisa laga horjoogsaday qunsuliyada

Erdogan ayaa Holland ku tilmaamay Nazi foolxun xilli wasiirkiisa laga horjoogsaday qunsuliyada dalkiisu ku leeyahay Rotterdam oo wasiirada qoysku ku qabanaysay kulan.

Xiriirka reer Yurub iyo Turkiga ayaa aad u xun isagoo Erdogan raadinayo in uu dalkiisa ka dhigo nidaamka saxda ah ee madaxweyne kana bedelo kan hadda ee madaxweyne iyo raiisal wasaare.



Erdogan ayaa raadinaya cod aad u balaadhan si ay guushu u raacdo una bedelo nidaamka Jira isagoo haysta cod aad u weyn wuxuuse rabaa in uu dadkiisa jooga wadamada Jarmalka, Austriya, iyo Holland uu ka dhaadhiciyo muhiimada codkooda waxase diidey d


awladahaas oo ka baqaya in cunsuriyiintu ka guuleystaan.

Cunsuriga weyn ee Muslimiinta neceb ee Holland ayaa ka mid ahaa kuwa diidey in dalka Holland ay soo galaan wasiirada Turkiga ee ay ku jiraan wasiirka arimaha dibedda.

Si kastaba ha ahaatee Erdogan ayaa ku hanjabay in uu qaadi doono talaabo ku haboon hadii wasiiradiisa laga horjoogsado in ay yimaadaan dalka Holland.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS