Sucuudiga oo duqeeyay qoxooti Somali ah oo saarnaa doon iyo xasuuqa uu gaystey. Wararka ka imanaya badda u dhaxaysa Yaman iyo Suudaan ayaa sheegaya in Sucuudigu xasuuqey 31 Somali ah.
Sucuudiga ayaa dagaal diimeed kula shacabka Yaman wuxuuna sababay in dalka ka dhigo iyaga iyo carabta kale meel go’doona oo ay ka sameeyaan waxay rabaan.
Doontan Sucuudigu duqeeyay ayaa la sheegay in ay maraysay badda u dhaxaysay Yaman iyo Suudaan markii diyaarad helikobtara ay rasaas ku furtey.
Qaramada midoobey ayaa sheegtay in dhimashadu tahay 31 Somali ah oo ku socday Suudaan kana soo cararay duqeynta iyo burburka Sucuudigu ka wado Yaman.
Dhimashada ayaa waxa ku jirta haween iyo caruur Somali ah.
Gacan ku dhiiglaha Salmaan ee Sucuudiga ayaa hore u xasuuqey Somali ka qaxaysay dagaal diimeedka u gaarka ah mabaadiidooda.
Faahfaahin kale ilaa hadda lagama hayo gobolada ay Somalidu ka soo jeedeen.
Hoos ka arag sawirada naxdinta leh ee Sucuudigu u gaystey dadkeena.


C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay