30/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxweyne Farmaajo oo si la yaableh logu soo dhaweeyay Kiiniya: SAWIRO

Madaxweynaha Somaliya Farmaajo ayaa si la yaableh loogu soo dhaweeyay Kiniya halkaas oo roog cas loo dhigey loona ridey 21 madfac oo loo sameeyo madaxda muhiimka ah ee caalamka.

Ciidamada Bambeyda ayaa muusik u garaacay madaxweyne Farmaajo soo dhaweyntan oo ah tii ugu quruxda badneyd ayaa waxaa muujineysaa sida ay Kiiniya u dooneyso in la xoojiyo xariirka kala dal ee jaarka ah.



Wararka haatan nasoo gaaraya ayaa sheegaya in soo dhaweynta kadib kulan xasaasi ah ay leeyihiin madaxda labada wadan waxaana ay kaga hadlayaan arimo ay kamid yihiin Xoojinta Xiriirka Labada Dowladood, Arrimaha Ammaanka, Socdaalka iyo Xoojinta ciribtirka argagixisada



Labada Madaxweyne waxay kaloo meelmarin doonaan Dhaqan gelinta Heshiiska lagu joojinayo in Diyaaradaha ka imaanaya Somaliya lagu hakiyo Degmadda Wajeer, si loogu sameeyo Baaritaan Rakaabka iyo Xamuulka saaran Diyaaradahaasi.

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS