Puntland oo war ka soo sartey urur diimeed gaalayna Muslimiinta oo ka hadlay Puntland kadib shir jaraaid oo ay mar isku mida ku qabteen Muqdisho, Garoowe iyo Hargeysa.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in Urur diimeedkaasi xubnaha ku mideysan ay yihiin qadiyada Takfiir ama gaaleynta Muslimiinta oo la mida ururada Muslimiinta gaaleeya ee Daacish, Shabab, Boko Xaraam iyo kuwa badan ee magacyada badanleh.
Kooxdan cusub ee magaca bedeshay ayaa la baxdey ”kuwa aan xaqa ka gaban” kuna tilmaantey Muslimiinta in ayna diin haysan.
Maamulka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka, maamul goboleedyada kale ee dalka iyo Culuma’udiinka Soomaaliya in si wadajira loo wajaho khatarta amniga iyo caqiido.
“Ururka takfiiriga ah oo maalmahan ummadda Soomaaliyeed kala hadlayay warbaahinta, iyagoo sheegay baaqyo kala dambeeyey oo ku saabsan caqiidada islaamka sidaa darteed ay yihiin khatar ku wajahan amniga iyo caqiiqdo oo ku soo korodhay gayiga Soomaaliya” ayaa lagu yiri warbixinta Puntland.
Puntland waxa ay sheegtay in mowqifkeeda uu yahay inay la dagaalanto Kooxda cusub ee isku magacawday “Kuwa aan xaqa la gaban”
“Mowqifkeenu waa la dagaalanka Kooxda cusub, waayo waxaan og nahay waxa ay yihiin shaqsiyaadka ku jira oo Takfiir ah ama gaaleyn”
Koox diimeedkan cusub oo aad ugu duwan jamaacooyinkii hore uga jiray Soomaaliya, waxay isugu jireen shaqsiyaad diinta islaamka bartay, Ganacsato, dhakhaatiir, injineero iyo xirfadlayaal kale.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay