November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Puntland oo is dhaafisay argagixiso lagu helay xasuuqa Muslimiinta: SAWIRO

Puntland ayaa is dhaafisay argagixiso lagu helay xasuuqa Muslimiinta fulisayna dil ay u qalmeen. Kooxdan dhalinyarada ah ayaa xasuuq Muslimiinta ka dayay jano halkey dadkoda u gargaari lahaayeen.

Dhainyarada ayaa lagu toogtay magaalada Boosaaso, waxaana Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ay goordhaweyd shaacisay in la fuliyay xukunkii dilka ahaa.


Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabsida ee Maamulka Puntland Col. Cabdiftaax Xaaji Aadan ayaa Warbaahinta u sheegay in saaka la fuliyay xukunkii dilka ahaa ee hore loogu xukumay, kadib markii uu shaqeyn waayay rafcaan ay qaateen.

Xukunka kooxdan dhalinyarrada ah ayaa muran weyn ka dhaliyay degaanada Puntland, iyadoo odayaal iyo eheladda oo markii hore ka celin waayay falalkan diin ka baxa hadda soo baraarugey laakiin laga diidey.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS