Idaacada radiyo Muqdisho oo lagu helay musuqmaasuq iyo agaasimeyaal la eryay. Wasiirka wasaaradaas oo hore u hayay booskaas ayaa bilaabey in uu fariisiyo agaasimaha wasaarada.
Wasiirka ayaa qoraal uu soo diray ku sheegay inay shaqo ka fariisinta ay timid kadib eedeymo la xiriira musuqmaasuq oo ay ku kaceen mas’uuliyiintaasi.
Waxaa si kumeelgaara xilka agaasimaha guud u sii heyn doona C/raxman Al-cadaalla oo hore u haa madaxa wakaalada wararka ee SONNA.
“Waxaan maanta shaqo ka fariisin ku sameeyey Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta, kadib eedeymo la xiriira maamul-xumo iyo musuqmaasuq. Dowladda Federaalka wey ka go’antahay inay si kasta ula dagaasho maamul xumada iyo musuqmaasuqa”ayuu wasiir Yariisow qoraalkiisa ku yiri.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay