19/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Imisaa argagixisadu ku xasuuqdey isqarxintii maanta ka dhacay wasaarada gaashaandhiga

Imisaa argagixisadu ku xasuuqdey isqarxintii maanta ka dhacay wasaarada gaashaandhiga. Argagixisada oo ku nool dhiigeena taageerana ka hesha dadka ku nool Muqdisho ayaa xasuuqeysa isla kuwa taageersan.

Qaraxan Ismiidaaminta ah ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo la socday Taliyaha cusub ee ciidanka Milatariga Soomaaliya Maxamed Jimcaale Carfiid, kuwaa oo kasoo baxay xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.


Taliyaha ayaa ka bad baaday weerarkan la doonayay in lagu dilo , waxaana waxyeelo xoogan uu weerarkan gaarsiiyay dad shacab ah oo u badnaa kuwa saarnaa gaadiid nuuca dadweynaha oo marayay halka uu qaraxu ka dhacay.

Ku dhawaad 20-qof oo shacab u badan ayaa qaraxan xoogan ku dhintay, dadka dhintay ayaa qaarkood ay adag tahay in la aqoonsado, waxaana laamiga wali yaala hilbaha dadkaasi.

Dhiigmiiratada ayay xalaal u noqotey dhiigeena.


Ku dhawaad 20-qof oo shacab u badan ayaa qaraxan xoogan ku dhintay, dadka dhintay ayaa qaarkood ay adag tahay in la aqoonsado, waxaana laamiga wali yaala hilbaha dadka dhintay oo wali la aqoonsan yahay.

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS