November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Muuse Biixi oo dagaal ka ridi raba Gabiley haddii laga guuleysto doorashada iyo shir beeleed dhacay

Muuse Biixi oo dagaal ka ridi raba Gabiley haddii laga guuleysto doorashada iyo shir beeleed dhacay.

Sida ay  warar lagu kalsoon yahay xaqiijiyeen dad kala duwan oo ka-qayb galay kulamo degmada gabiley xalay fiidkii uu xisbiga KULMIYE ugu qabtay dhalinyaro sigaara looga soo xulay beesha gudoomiye Muuse Biixi, kuwaas oo baabuur basas ah lagaga daabulay maalinimadii hore ee shalay magaalada Hargaysa, iyadoo loo galab caraabiyay degmada Gabiley, halkaas oo loogu qabanayay shirgaara.

Shirkan oo ahaa mid laga ilaalinayay dhamaan bulshada somaliland ee ka baxsan beesha hoose ee uu kasoo jeedo musharrax Muuse Biixi, ayaa waxa lagaga hadlayay sidii beeshu ugu diyaar garoobi lahayd dagaal culus oo ay xukunka waddanka ku qabsato waasida ajandayaasha shirka kamid ahayde shirka oo ay hadalo ka jeediyeen masuuliyiin hayb- la wadaaga Muuse Biixi, ayaa waxa khudbadii goobta laga jeedyay dhamaantood ku qotameen sidii xeelad iyo xoogba loo gadhigi lahaa doorkan Muuse Biixi madaxwayne badalaya siilaanyo.

Wasiirkii hore ee maaliyada Cabdicasiis samaale ayaa khudbad uu goobta ka jeediyay ku yidhi, maanta sacad muuse ayay fursadu hortaala 25 sanno ayaynu daawanaynay oo aynu markhaati ka hayn somaliland ooo kolba nin qabsanayo, iyadoo aan ognay inaanay jirin cid ka reer ahaan inooga xaqle qabasahda mansabkaa marka aan eegno waxa nafo inooga baxay iyo sidii aynu labada jeer dalka u xorraynay mar Siyaad Barre ayaynu ka xorraynay marna maleeshiyaadkii somaliland diidka ahaa ee beelaha garxajis mar-jiro reer aan Awal ahayn oo intaas oo libin ah ay kaga maqantay somaliand hadana in maanta laynagu dulmaamulo yeelimanayo mujaadin-kuna waxa uu noqonayaa idimka alle madaxwaynaha badali doona siilaanyo, hadaladaa naxligu kabuuxo waxa shirka kajeediyay ex wasiir samaale-

Dhanka kalena Shirka ayaa intii uu socday waxa laga jeediyay hadalo lagu wiiqayay Qaranimada iyo wadda jirka ummadda somaliland waxana dhowr jeer lagu weeraray beelaha samaroon oo ay masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ku tilmaameen cadow aan daris lanahayn, iyagoo ku dhaliiyay taageerada siyaasadeed ay xisbiga mucaaridk ah ee WADDANI siiyaan .

Sidoo kalena Shirkan oo laga barbarwaday shirkale oo loogu magacdaray horumarka dhalinyarada, ayaa waxa lagu qaldayay shirka dhagaraysan ee uu Muuse Biixi colaada iyo boobka ugu diyaar garoobayo waxana dhamaan masuuliyiinta ka qabay gashay shirkada dhalinyaada ay ka hadleen amuuro dhaawac wayn ku ah dimuquraadiyada somaliland

Dadka labada shirba ka qayb galay waxa kamida Maxamed Cali bile oo ah nin aqoonyahan sheegta, balse qaab qabyaaladaysan xisbiga kulmiye ugu olaleeya waxana sida goobjoogayaasho usheegeen somalilandlive media uu kajeediyay khudbad shirka gaar ah ee dhalinyarada beesha muuse biixi lagu dhiiriganayay boob iyo in qalalaasee isu diyaarinayaan hadii dorashada laga guulaysto.

Ugu Dambayntii Musharrax Muuse Biixi oo khilaaf iyo hungow siyaasi ah kala kulmay madaxwayne kuxigeen C/raxmaan Saylici, kadib markii odayo raaskiisa ah uu dhawaan udiray beelaha samaroon in ay cod iyo taageero siyaasi ah uga raadiyaan, balse ay kala soo guryo noqdeen faramadhnaan iyo warcad oo ku qotomay ninka naguhaysta xeebaha lughaya anagu codsiinmayno! ,waana sababta uu Muuse Bixii udoorbidayo sidii uu isugu diyaarin lahaa in uu dalka qalalaase galiyo hadii ay rabitaankiisu meelmari wayo

 

 Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS