08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo la tusey goobaha uu ka shaqayn doono: SAWIRO

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo la tusey goobaha uu ka shaqayn doono

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta lagu soo wareejiyay xarumaha muhiimka ee dowladda Hoose ee Muqdisho.

Guddoomiyaha cusub ayaa ugu horeyn tagay xarunta Aqalka dowladda Hoose ee loo yaqaano Viisha Governo, halkaasoo ay ku yaalaan Xafiisyada Guddoomiyaha Gobolka, kuxigeenada iyo agaasimayaasha waaxyaha.

Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir oo xilka baneynaya ayaa ku soo wareejiyay xarumaha, isagoo siiyay warbixino kala duwan habka ay u shaqeeyaan waaxyaha kala duwan ee gobolka.

Xarumaha la geeyay Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa ka mid ah xarunta waaxda gaadiidka dab damiska, xarunta dad dhigista, iyo qaar ka mid ah degmooyinka.

Guddoomiyaha cusub ayaa u mahad celiyay Guddoomiyihii hore waxyaabihii uu qabtay, isagoo xusay inay tahay wax la taaban karo oo muuqda.

doorta Guddoomiyaha iyo Duqa Muqdisho oo sanadihii dambe laga soo magacaabayay Villa Somalia.



 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS