07/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

XOG: madaxweyne Farmaajo oo isku dayaya in uu iska reebo maamul jufeedyada shirka London

Madaxweyne Farmaajo ayaa isku dayaya in uu iska reebo maamul jufeedyada shirka London ka dhacaya ee siyaasadeed ee Ingiriisku rabo in uu aduunka u muujiyo qaasatan Turkiga in uu isagu ka bul weynyahay.



Shirka London oo aan loo baahneyn gebi ahaantiisba ayaa Ingiriisku sheegay in maamulka Somaliland ee saxaafadiisu taageerto ay iyagu ka maqnaan doonaan sababo macquul ahayn oo safiirkoodu ku sheegay in doorashadu ka soo daahdey laakiin loo fasirtey in uu rabo in uu gooni ka dhigo.

Farmaajo oo ku fahmey sheekadaas siyaasadeed ee hadhow saxaafada Ingiriiska lagu faafin doono ayaa u yeeray maamul jufeedyada kale shir maalmahan ka socda Muqdisho kana codsadey in dawlada looga dambeeyo hawsha qaranka.

Maamul jufeedyada qaar ayaa hoos yaaci jirey dawladihii hore sida Puntland oo dareemi jirtey in fadhiidnimo jirto waxkastana Xamar lagu wado taas oo ay gar u leeyihiin, waxase hadda soo baxay dawlado rabo in ay si gooniya ula macaamilaan oo ka baxsan kuwa Somaliya la jaarka ah sida Imaaraadka Carabta oo tartan kula jirta Turkiga.

Wadamada Carabta oo aan wadan dano kale aan kahayn mida urur diimoodkooda ah ayaa boobaya dekedaha Somaliya.

Somaliya waxa dhisi kara awoodeeda waa wadamada Ruushka, Turkiga iyo Shiinaha waxase DABIN ku haya reer galbeedka ayagoo ka baqaya awood ka soo baxda biyaha badda Somaliya ee balaadhan, cabsidaas waxay badankeeda ka timaadaa wadamada jaarka siiba Kiiniya iyo Itoobiya oo reer galbeedka uga diga awood halkan ka dhalata.



Si kastaba ha ahaatee ayadoo Somaliya heshay madaxweyne la filayo in uu fahamsan yahay shirqooladaas Jira ayaa isku dayaya in uu soo celiyo awooda dawlada dhexe oo hadda aan jirin maadaama dawladaha jaarku ku jiraan sidii ay u diciifin lahaayeen.

Dawlada hadda ka jirta Muqdisho ayaa ku nool taageerada shacabka waxase badan cadowyada ka soo horjeeda oo ay hadda igu diciifsan yihiin argagixisada shabaab.

Waxa la sugaaba waa go’aanka ka soo baxa shirka socda hadiise ay dhacdo in maamul jufeedyadu tagaan shirka London ay ku noqon doonto ummada Somaliyeed niyad jab weyn.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS