Imaaraadka oo furey biyo xidheen laga hirgeliyay duleedka Hargeysa
Hay’adda Gargaarka Khaliifa ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa mashruucan muhiimka ah ka hirgelisay Hargeysa ayadoo ujedadu tahay in dadku helaan biyo joogta una adeegsadaan waraabkas.
Furitaanka biyo xireenkan oo loogu magac daray “Xumbo-weyne” waxaa furay masuul ka socda hay’adda oo uu weheliyo wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland.
Biyo xidheenkan ayaa Hargeysa u Jira qiyaas ahaan 70km
Biyo xireenkan oo keydin doona Daadka ka rogmada degaanadaasi waxaa loogu talogalay in xilliga abaaraha loo baxsado, waxaana dhismihiisa uu qaatay 13 bilood, iyadoo dhererkiisu gaarayo 150 Mitir muggiisuna dhan yahay 11 Mitir, waxaa kaloo masaaxafadda uu ku fadhiyo ay dhan tahay 110 kun oo mitir laba jibaaran.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay