Hogaamiyaha Hirshabeelle oo ku tilmaamay dawlada Somaliya mid u kala eexanaysa maamul jufeedyada kadib shir jaraaid oo uu ku qabtey garoonka magaalada Muqdisho.
Wuxuu ku bilaabay laba arimood oo midi tahay qaadkii ka degayay Jawhar oo laakiin manta ka degin iyo eexasho uu sheegay in oo kala sameeyay maamul jufeedyada.
Madaxweynaha oo ka hadlay diyaaradihii qaadka ee Labadii maalin ka dagayay magaalada Jowhar , isagoo sheegay in uu soo dhoweeynayo cid kasta oo rabta garoomada Hirshabeelle in badeecadahooda ay ka dagsadaan ayna soo dhoweynayaan, waxaana uu sheegay in uu maqlay in amar ka soo baxay Dowladda lagu joojiyay in diyaaradaha qaadka aynan ka dagi Karin Jowhar, Misana aynan aqbali Karin in la cuna qabateeyo Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa sheegay markii uu maqlay amarka diyaaradaha qaadka lagaga joojiyay Jowhar in uu wacay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre misana uu wax ka weydiiyay amarkani, Ra’isul wasaaruhuna uu sheegay in uu wax ka ogeyn marka xafiisyo hoose oo Dowladda ah ayaa arrintaa ka dambeeya baaritaan ayaana socda xafiiska ay ku cadaatana ayuu madaxweynuhu carabka ku adkeeyay in ay la xisaabtami doonaan oo waxa uu Dastuurka uu qabo ay ku kala bixi doonaan.
“Waxaan Sharci eheyn Cidna nagulama dhaqmi karto, Waan ogahay shaqsiyaad daneynaya oo dhahaya ma dhaceyso oo suuqyada ku hayo Ceelmacaan in la furaa ma dhaceyso Garoonka Jowhar iyo cisaley in Badeeco ka soo dagtaa ma dhici karto, shaqsiyaad raba in ay ku owr kacsadaan dano ay leeyihiin Mas’uuliyiina sheeganaya waa ay jiraan, Laakiin xaqiiqda waxay tahay dalku Dastuur ayuu leeyahay dastuurka ayayna tahay in lagu dhaqmaa” Sidaasi Waxaa Yiri Madaxweyne Cosoble.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo sii hadlay ayaa sheegay in aynan jirin Dowlad goboleed Dowlad goboleed kale ka xuquuq yar, haday dhacdo in go’aano Hirshabeelle ka dhan ah la soo saaro taasi waxay dhaawaceysaa Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya, waxay meel uga dhici doontaa Xuquuqda Dadyowga Reer Hirshabeelle, waxaana uu carabka ku adkeeyay in laba dowlad goboleed Mid Dekado iyo Garoomo ay leedahay, Caalamkana Heshiisyo La Galeysa, Midna Maya La dhaho Midna loo fasaxo Diyaaradaha Qadka Midna Diyaarado Kama dagi karaan la dhaho Marna Ma aqbaleyno In la cuna qabateeyo Hirshabeelle.
“Waxaan Xaqiijineynaa Cuna qabateynta Hirshabeelle Lagu rogay cid kasta oo ku soo rogtayna Maxkamad ayaan la fuuli doonaa Xaqiiqdi waxay tahay Hirshabeelle laguma xadgudbi karo sida aan loogu xadgudbi Karin dastuurka, Dastuurka ayaa siinaya awoodaha uu leeyahay Dowlad goboleedka, Cidna Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Xuquuqdeeda kuma tuman karto” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa faah faahiyay socdaalkii uu ku tagay magaalada Bula burde uu sheegay in safarkaasi guul uu ugu soo dhamaaday islamarkaana shil ka dhacay halkaasi oo ay geysteen rag ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ay dileen askari ka tirsan Ciidamada Jibuuti Askarigii, gacan ku dhiiglihii dilayna Shalay la toogtay kaddib markii uu dagaalamay Ragii kale ee falka la geystayna Maxkamadda Ciidamada ay ku xukuntay Xukun cadaalada ah oo ay raali ka yihiin.
Dhamaad
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay