Dawlada oo bilowdey dagaal ka dhana kooxda gaalaynta Muslimiinta ee shabaab. Ciidanka xooga dalka ayaa markii ugu horeysay lagu taxay qalab ay ku baacsadaan cadowga.
Ciidanka ayaa markiiba argagixisada ka saaray Mareeray iyo Bariire oo ka tirsan Shabeelaha Hoose. Madaxweyne Farmaajo ayaa siiyay muddo bil ah dhalinta ay ku adeegtaan kooxdani gaalaynta Muslimiinta.
Maaha markii u horeysay ee maamuladii ka horeeyay Farmaajo ay bilo u qabtaan argagixisada waxase markaste jirey caqabado ka imanaya dhinaca kharashka ku baxaya oo dawladaha caalamku ka cagajiidaan.
Shariif Xasan oo Farmaajo ku booqdey Baydhabo ayaa dalbadey in dawladnimo timaato oo la furo jidka u dhexeeya Baydhabo iyo Muqdisho oo hadda kooxda gaalayntu dadka cunaha ku qabatey.
Dagaaladii maanta dhacay ayaa sababay in argagixisada ka cararto dhamaan goobihii lagu soo weeraray.
Sawirada hoose waa booqashadii Farmaajo ku tagey Baydhabo



C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay