November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Wasiirka arimaha dibedda Somaliya Dr C/salaam Hadliye oo la kulmay haweenayda qaabilsan arimaha qoxootiga+SAWIRO

Muqdisho–Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Alessandra Morelli oo ah Wakiilka hey’adda Qaramada Midoobey ee arrimaha Qaxootiga (UNHCR) u qaabilsan Soomaaliya , oo ay ka wada hadleen kaalinta hey’adaasi ay ka qaadato arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Kenya , Ethiopia , Djibouti iyo Yemen .

Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa sheegay in Soomaaliya ay hiigsaneyso sidii ay u soo ceshan laheyd kaalintii ay ku laheyd gobolka bariga Afrika , si ay u noqoto dowlad nabadda iyo deganaanshaha ku caan ah , kana maran loolan dhiig ku daato iyo dagaalo sokeeye .

Alessandra Morelli ayaa dhankeeda sheegtay in kaalmooyin samafal ay gaarsiiyaan qaxootiga Soomaaliyeed , si loo yareeyo dhibaatooyinka ku heysta dalalka shisheeye.

DSC_8148[1]DSC_8148[1] DSC_8149[1] DSC_8151[1] DSC_8154[1] DSC_8155[1] DSC_8156[1] DSC_8158[1] DSC_8159[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS