Hogaamiyaha Hirshabeelle oo xirey wariye ka hawlgala Jowhar xilli muran uu kala dhexeeyo RW Kheyre oo ka soo jeeda beesha Murursade ee Hawiye. Qabqablayaashii dagaalka ka waday Muqdisho ayaa diidan RW Kheyre oo u arka jufoyar.
Wariyahan lagu xirey magaalada Jowhar ayaa lagu magacaabaa Ismaaciil Cabdulle Sabriye.
War Qoraal ah oo uu soo saaray xoghayaha ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa lagu sheegay in ururku ay si weyn uga xun yihiin xariga loo geystay Wariye Ismaaciil Cabdulle Sabriye oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howgalayay Magaalada Jowhar, kana shaqeynaayay Tv-ga Universal.
” Waxaan weydiisanaynaa maamulka Hirshabeelle in ay siidaayaan wariyaha si shuruud la’aan ah , waxaan ka codsanaynaa in ay xushmeeyaan warbaahinta” sidaasi waxaa yiri Xoghayaha ururka NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu.
Maamulka Hirshabeelle ayaa xiray Tv-ga Universal xaruntiisa Magaalada Jowhar.
Wasiirka warfaafinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mahad Xasan Cusmaan ayaa sheegay in Wariyaha iyo sidoo kale Tv-ga lagu xiray Warar been abuur ah.
Warkaasi ayaa ku saabsanaa in Madaxweynaha Hirshabeelle uusan ka qeyb gali doonin Shirka London ee Arimaha Soomaaliya looga hadlaayo.
Mahad Xasan Cusmaan waxa uu sheegay warkaasi in Shacabka uu dhibsaday dhagahooda, isaga oo shacabka ugu bishaareeyay in Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble uu ka qeyb gali doono Shirka London ka furmaya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay