Ingiriiska oo diyaariyay goobtii lagu qaban lahaa shirka Somaliya ee London.
Magaalada London ayaa ku jira diyaargarowgii ugu danbeysay ee marti gelinta shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya oo berrito ka furmid doona magaaladaasi.
Shirkan oo ay qabanqaabisay dowladda Ingiriiska ayaa lagu casuumay in ka badan 40 dal oo Soomaaliya saameyn ku leh, ayna ka mid yihiin dalalka ugu waaweyn ee Soomaaliya gacanta kula jira.
Arrimaha shirkan horyaalla ayaa waxaa ugu muhiimsan laba qodob oo kala ah: Amniga iyo Dhaqaalaha, waxaana lagu ansixinayaa qorshe dhisme ciidan Soomaaliyeed, iyadoo dhaqaale loogu yaboohayo dib u dhiska ciidamada iyo dhaqaalaha Soomaaliya.





C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay