12/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Boqor Salmaanka Sucuudiga oo soo dhaweeyay saaxiibkii Trump: SAWIRO

Boqor Salmaanka Sucuudiga ayaa soo dhaweeyay saaxiibkii Trump oo booqashadii u horeysay ku yimi dalka. Waxa Trump loo soo dhaweeyay si ka duwan kuwii hore maadaama laga filayo in uu Iraan la dagaalo.

Trump ayaa ku socda Yuhuuda, Falastiin iyo xarunta diinta Kiristaanka uGu weyn ee loo yaqaan Vatican oo ah xaafad ka tirsan caasimada Talyaaniga ee Rooma.

Sucuudiga ayaa Trump ka saxiixasya hub ku kacasya balaayiin doolar oo ah saliida uu dhoofiyo Sucuudigu.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka mid ah madaxda uu qaabili doono, inta uu socdo shirka. Farmaajo ayaa mardhow ka dhoofay Muqdisho.

Sucuudiga ayaa sheegtay in at soo rideen gantaal kaga yimi dhinaca Yaman. Warkan ayaa loo arkaa mid Maraykanka laga gadayo.




 

 

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS