30/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Masjid ku yaala magaalada Oldham ee Ingiriiska oo dab la qabadsiiyay

Masjid ku yaala magaalada Oldham ee Ingiriiska ayaa dab la qabadsiiyay kadib markii nin isqarxiyay oo sirdoonka Ingiriisku ogaayeen uu galaaftey nolosha 22 qof oo dhalinyaro u badan.

Wadaad Bakistaani ah oo masjidka jooga ayaa sheegay in masjidka albaabkiisa hore dab la qabadsiiyay. Magaalada Oldham ayaa ka tirsan Manjister waxana jira in bulshada cadaanka ah iyo kuwa eeshiyaanka ayna isku fiicneyn.



Eeshiyaanka degan halkaasi ayaa u badan Bakistaani ka shaqayn jirtey warshadihii dharka. Maaha markii u horeysay ee la weeraro masaajida ku yaala Woqooyiga Ingiriiska.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS