Muqdisho–Madaxweyne Xasan ayaa mardhow ka qaybgalay munaasibada maalinta hooyada aduunka oo ku began sideeda Maarso. Madaxweynaha ayaa ka hadlay doorka hooyada iyo haweenka Somaliyeed ay ku leeyihiin horumarinta dalka.
“Waxaan halkan ka qirayaa xushmad balaaranna u hayaa doorka haweenka Soomaaliyeed ha noqdeen kuwii hore, kuwa maanta jooga iyo kuwa mustaqbalka intaba, Haweenka Soomaaliyeed waxay muujiyeen karti iyo geesinimo labataankii sanno ee la soo dhaafey ee colaadda ay dalkeena ka jirtey, Iyaga oo xaalad adag ku jira ayay hadana waxay muujiyeen adkeysi, waxayna ku guuleysteen inay abuuraan rajo iyo rabitaankooda ku aaddan in nabad iyo kala dambeyn dalka lagu soo dabbaalo, Maanta haweenka waxay kaalimahooda kaga jiraan ganacsiga, adeegyada kala duwan ee nolosha iyo hoggaanka guud ahaan Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![malinta-hawenka-1[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/03/malinta-hawenka-11.jpg)
![malinta-hawenka-2[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/03/malinta-hawenka-21.jpg)
![malinta-hawenka-4[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/03/malinta-hawenka-41.jpg)
![malinta-hawenka-5[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/03/malinta-hawenka-51.jpg)
![malinta-hawenka-6[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/03/malinta-hawenka-61.jpg)
![malinta-hawenka-7[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/03/malinta-hawenka-71.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay