12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Nin waalan oo London markale baabuur marsiiyay dad wadada maraya: wararkii u dambeeyay

Nin waalan ayaa London markale baabuur marsiiyay dad wadada maraya. Wararkii u dambeeyay ee ka soo baxaya ayaa sheegaya in ay jiraan khasaare ka dhashay dhacdadan.

Booliis hubeysan ayaa la sheegayaa in ay qabteen nin bilaa shaadha kadibna ku riteen gaadhi ah nooca lagu qaado dadka jeelka loo wado oo dabada ka furan.

Goobta Gaadhida ninkani dadka ku marsiiyay ayaa ahayd buundada loo yaqaan London Bridge.



Dad goob joogayaala kana badbaaday shilka ninka waalan wadey ayaa sheegay in gaadhigu ahaa nooca xamuulka yaryar lagu qaado oo ku socdey xawaaraha 80 halka wadada dadku maraan ayna dhaafsanayn wax ka badan 40.



Haweenay badbaadey arkaysayna sida wax u dhaceen ayaa sheegtay in ilaa shan qof oo sii socda uu marsiiyay. Wararka qaar ayaa sheegaya in midi xataa la isticmaalay lamase garanayo in shacab la geliyay.

Ilaa hadda ma jiraan warbixin dhamaystiran ayadoo London caawa oo kale aad loo camiran yahay ayna tahay habeen dadku caweeyaan shaqadana laga fadhiyo inta badan.

Booliiska Ingiriiska ayaa sii daayay sawir muujinaya nin dhulka yaala oo walxaha qarxa ku xidhan yihiin dhexdiisa oo NOOL.

Weerarada noocana ayaa inta waxa fuliya kooxaha diinteena ku qaraabta ee magacyada badanleh walise ma jiraan warar cadaynaya cida ninkan la hayo uu ka mid yahay iyo inta qof ee waday weerarka.

Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in ay jireen rag kale oo dadka mindiyo la dhacaya kuna dhawaaqayay Allahu Akbar. Dhacdadan ayaa u muuqata mid la soo qaban qaabiyay.

Dhimashada ayaa hadda la sheegay in at gaartey 7 qof iyo dhaawaca oo maraya 48 halka booliisku sheegay in ay dileen rag wada midiyaynta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS