Ciidamada dawlada iyo maleeshiyo beeleed dagaal goos goosa oo istusa ku dhexmaray Muqdisho iyo khasaare kooban oo laga soo sheegayo. Iska hor imaadka ayaa yimi ayadoo ay jiraan qabqableyaal dagaal oo diidan hub ka dhigista.
Dagaalkan ayaa ka dhacay isgoyska Cawo Itka ee degmada Howlwadaag, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Labo kamid ah ciidamada dagaalamay ayaa dhintay sidoo kale qof shacab ah ayaa ku dhintay dagaalkaas sida ay goob joogayaal soo sheegayaan.
Wararka ayaa tilmaamaya in Iska hor-imaadka uu bilowday kadib markii ciidamada dowladda ee hub ka dhigista wada ay isku dayeen inay hubka ka dhigaan ciidamo kale oo la sheegay inay ka tirsan yihiin milatariga, kuwaasi oo rasaas kala hor-yimid.
Ciidamada xasilinta ayaa u tudhaya shacabka diidana in dhiig ku daato macno daro.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay