12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Erdogan oo si dadban u cambaareeyay Salafiyiinta Sucuudiga: waxay wadaan diin maaha bani-aadamnimana maaha

Madaxweynaha Turkiga oo isku urur diimeed yihiin Qadar ayaa si dadban u cambaareeyay Salafiyiinta Sucuudiga kuna tilmaamay arinta ay ku kala kaceen Qadar mid diin ka fog bani-aadamnimada ka fog.

”In dadka Qadar laga xanibo biyaha, cuntada, cibaadada, iyo safarka diin maaha bani-aadamnimana maaha waxayna u dhigantaa dil toogasho ah ayuu yiri Erdogan.  Wuxuuna intaa ku daray in aan la aqbalayn.

Wuxuu u sheegay boqor Salmaanka Sucuudiga oo raba in uu daaqada ka saaro urur diimeedka akhwaan Muskimiin in uu xaliyo arinta. ” Waa inuu qaado talaabada ugu horeysa” ayuu yiri Erdogan.



Erdogan oo bilaabay olole uu toos ula safanayo Qadar ayaa sheegay in uu la hadli doono madaxweynaha Faransiiska iyo kan Maraykanka maalmaha soo socda.

Sucuudiga ayaa dhinaca kale culimada waaweyn ee akhwaanka ee uu ku jiro xafidullah Sh Yuusuf Qaradaawi ku tilmaamey argagixiso. Inkastoo Sh Qaradaawi u fasaxay Falastiiniyiinta Xamaas in ay isku qarxiyaan Yuhuuda hadana wuxuu ku koobey fadwada Falastiin oo kaliya.

Wali akhwaan Muslimiintu argagixiso kuma tilmaamin culimada Salafiga ugu waaweyn ee ayna ku raacin fadwooyin ay bixiyeen iyo axaadiista qaar ay ka dhigeen saxiix.



Akhwaan Muslimiinta iyo Salafiyiinta ayaa meel uga soo wada jeeday xukun ka tuurista madaxweynaha Siiriya waxayna ku dhamaatey in ay colaad xun dhex dhigeen Muslimiinta dhexdooda.

Erdogan ayaa beeniyay in Qadar taageerto argagixisada inkastoo qorshaha Siiriya ee akhwaanku wadeen u suurtoobi waayay oo ahaa in ay isku furtaan Siiriya, Falastiin ilaa Masar kana abuuraan dawlad akhwaan Muslimiina. Halka Masar ay ku guuldaraysteen.



Sucuudiga ayaa isna hubeeya urur diimeedkiisa Salafi/wahaabi ama Daacish. Lama garan karo talaabada xigta ee Erdogaan qaadi doono haddii Salafiga Sucuudigu dejin waayo xaalada Qadar

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS