12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Muslimiin suxuurta u toosay oo badbaadiyay dab ka kacay dabaqyo dhaadheer oo Somalina deganayd London: SAWIRO

Muslimiin suxuurta u toosay oo badbaadiyay dab ka kacay dabaqyo dhaadheer magaalada London halkaas oo ay jirto dhimasho markii dabkaasi si xun ugu faafiyay fooqyo dadku degan yahay oo gaaray ilaa 24 biyaano.

Dadkii Muslimiinta ahaa ee suxuurta u toosay ee deganaa fooqyadan ayaa qayb weyn ka qaatey badbaadinta dadkii kale ee la deganaa dhismaha kadib markii ay tuujiyeen jalaska qiiqa dabka ee ku xidhan guryaha magaalada.



Gabadh ka badbnaaday dabka ayaa sheegtay in diimo badan ku noolyihiin dabaqan ayna yihiin bulsho isku xidhan oo habayaraatee aanu jirin wax dambi ah oo ka dhaca dabaqan. Waxay tiri waxaad soconaysaa habeenkii xilligaad rabto.



Muslimiinta ku nool dabaqan oo Somali ku jirto ayaa u badan Marookaan waxayna qayb ka qaateen kicinta dadka. Dhimashada ayaa maraysa ilaa lix lama garanayo in Somali ku jirto.

Dhismahan biyaanada ah ayaa la dhisay sanadii 1974 waxayna dadka degan ka cawdeen in si fiican ayna u shaqayn jalasyada dadka sheega iyo biyaha lagula dagaalamo oo aan la eegid sanado.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS