08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ruushka oo baadhaya in ay khaarajeen argagixisaha weyn ee la baxay Abubakar Baqdaadi

Ruushka ayaa baadhaya in ay khaarajeen argagixisaha weyn ee la baxay Abubakar Baqdaadi ee xasuuq xun u gaystey muslimiinta Ciraaq gaalo iyo Muslimba.

Ruushka ayaa sheegaya in diyaarad ay leeyihiin ay weerartay meel ay kulan ku lahaayeen horjoogeyaasha argagixisada ugu weyn ee Ciraaq iyo Siiriya magaalada ay gumeysteen ee Raqqa.



Wararka la baadhayo ayaa sheegaya in kulankaas cidii joogtey la khaarajay oo warar la helayo sheegayaan in uu ku jirey argagixisaha ugu weyn ee kooxdaas Daacish lana baxay Abubakar Albaqdaadi oo Sucuudigu taageero.

Ruushka ayaa sheegaya in wararka la helayo ay sheegayaan in war fiican ka soo baxayo laakiin u baahan yahay xaqiijin.



Horjoogahan Daacish ee Sucuudiga taageero ayaa baxsi ah markii laga xoreeyay inta badan magaalada Moosul oo ay ku gabanayaan guryihii dadka ay ka qixiyeen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS