08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixisada shabaab oo masaajid ku dhex diley sheekh caana

Argagixisada shabaab ayaa masaajid ku dhex diley sheekh caana. Argagixisada ayaan meelna ixtiraamin fursadna ka raadiya goobaha cibaadada iyo meelaha lagu nasto.

Ujeedada dilalka qorsheysan ee ay fuliyaan argagixisadu ayaa ujeeadu tahay in ay dhameeyaan waxgaradka si ay u soo hadho caamada iyo masaakiinta kuna fuliyaan diintooda shaydaanka.

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Dableey Bastoolado wadatay ay Masaajid ku yaalla Magaalada Baydhabo ku dhex Dilay Sheekh Maxamed Madeer oo Caan ka ahaa Magaalada Baydhabo.



Sheekha ayaa la sheegay in argagixiso hubeysan oo Bastoolado watay ay ugu galeen Masaajid uu ku Tukaday Salaadii Cishaha islamarkaana uu ku dhex sugayay Masaajidka Salaada Taraawiixda.

Dableeydii Dilka Geysatay ayaa markiiba Goobta ka baxsatay, iyadoo Ciidamada Ammaanka ay Daqiiqado ka dib yimaadeen Masaajidka Sheekha lagu dhex dilay.



Allaha u Naxariistee Sheekh Maxamed Madeer ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada lagu soo doortay Koofur Galbeed Baydhabo ku doortay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS