Booliiska Ingiriiska ayaa shaaciyay magaca nin argagixisa oo baabuur jiirsiiyay dad tukanaya. Dadka Muslimiinta ah ayaa salaada taraawiixda qaybteeda dambe ku tukanayay goob bulshada ka dhaxaysa marka ninkan argagixisada uu jiirsiiyay gaariga.
Dadka ninkani jiirey ayaa caawinayay oday da’ah oo xanuun ku soo booday. Booliiska ayaa bnaadhaya in ninkani u dhintey gaadhiga jiirey iyo in kale. Waxa lagu guulaystey in ninka la qabto oo gacanta loo geliyo booliiska Ingiriiska.
Ninkan oo cadaana ayaa magaciisa lagu sheegay Daaren Osbon wuxuu ka soo jeeda gobolka Wales ee Ingiriiska. Waxa isla markiiba la galay guryo ku yaala gobolkaas si loo xirxiro argagixiso kale oo la leyahay wey la socdeen.
Booliiska ayaa bulshada Muslimiinta u sheegay in ay hadda wixii ka dambeeya booliis hubeysan ilaalin doonaan goobaha cibaadada lana qabsadaan.
Lama sheegin in argagixisada ah uu ka tirsan koox gaara, waxase laysku raacay in uu u socdo aargoosi HADDUUNA AHAYNBA Argagixisada Daacish.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay