Sucuudiga ayaa shuruudo cusub ku xirey dalka yar ee Qadar ee uu rabo in uu aamusiiyo. Qadar ayaa ka af dheeraatay dalalkan waxayna hordhigeen shuruudo cusub oo ay sheegeen waa in Qadar fulisaa haddii kale lagu hayn doono cunaqabataynta.
Sucuudiga iyo Masar oo labaduba neceb urur diimeedka Qadar taageerto ee akhwaan Muslimiin ayaa dalbadey in la xiro Aljazeera, iyo in Erdogaan la baxo ciidankiisa uu geeyay xirana saldhiga ku yaala Qadar.
Qadar iyo Erdogan waxay ka wada tirsan yihiin urur diimeedka akhwaan ee dagaalka ka wada Siiriya. Waxay kale oo ay shuruuda ku dareen in Qadar yarayso xiriirka ay la leedahay Iraan.
Sucuudiga oo aduunka ku faafiya caqiidadiisa Wahaabiyada/Salafiga ayaa diidan akhwaan Muslimiinta wuxuuna xiriir wanaagsan la leeyahay Yuhuuda si ururka Xamaas ee akhwaan looga saaro Falastiin.
Qadar ayaa welli hadal ka soo saarrin shuruudaha Sucuudiga oo dalkaa yar ka xulafeystay waxase wasiirkooda arimaha dibedda uu sheegay in ayna talaabo qaadeyn ilaa cunaqabateynta ay qaadaan.
Erdogaan ayaa is waydiinaya waxa shuruuda loogu daray in uu askartiisa ka saaro Qadar. Erdogaan ayaa askar iyo ciidan badan geeyay Qadar si uu u difaaco dalka ay isku urur diimeedka yihiin ee Sucuudigu rabo in uu gumeysto si uu u soo raaco Wahabiyada/Salafiga aduunka Muslimka isqarxinta ka wada.
Waxa kuu muuqanaysa in dunida Muslimka ah ay dhibaato xoogleh oo urur diimeed uu ka wado Sucuudigu oo urur diimeedyada uu taageero ay burburiyen wadamada Somaliya, Afganistaan, Ciraaq iyo Siiriya.
Waxay aakhirka noqonaysaa in qoyskan Sucuudi ee jooga dhulka barakaysan meel looga soo wada jeedsado inkastoo uu taageerada weyn ka haysto Maraykanka iyo Yuhuuda.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay