November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Guryihii ugu dambeeyay oo laga sifeynayo argagixisada Daacish magaalada ay burburiyeen ee Moosul

Guryihii ugu dambeeyay oo laga sifeynayo argagixisada Daacish magaalada ay burburiyeen ee Moosul xilli ciidanka Ciraaq uu ku dhow yahay in uu ku dhawaaqo guul. Argagixisada ayaa la wareegtay Moosul oo dhisan waxayse kaga tagtey burbur markii ay ku dhuumatey guri kasta fuleynimo awgeed.

Dhinaca kale Iiraan ayaa sheegtay in ay hayaan cadeymo sheegaya in argagixiskii weynaa ee Daacish lagu diley Raqa oo hadda ku dhow in laga faromaroojo. Sidoo kale argagixisada ayaa ku dhuumanaysa guryaha dadkii ay barakicisay.

Wararka laga helayo labadaasi magaalo ayaa sheegaya in shacabkii ku dhaqnaa halkaas ay argagixisadu u haysato madax furasho si ay uga badbaadaan weerarka ku socda.



Moosul ayaa ahayd magaalo xadaarad leh intii argagixisada ay isku caqiidada yihiin Sucuudigu weerar ku soo qaadin halkaas oo ciidankii Ciraaq oo u badnaa hal bulsho uu cagaha wax ka dayay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS