Tirada dadka ka soo gudbey xeebaha Liibiya soona galay Yurub iyo kuwa dhintey oo la sheegay. Warbixin ka soo baxdey qaramada midoobey ayaa la sheegay tirada ka timi Afrika inkastoo tiro intaa la mida ama ka badan ay ka yimaadeen wadamada Siiriya, Afganistaan, Ciraaq iyo Bakistaan.
QM ayaa warbixinta ku sheegtay in boqol kun oo gaajo ka carar ah ay ka soo hayaameen Afrika soona galeen Yurub sanadkii tagey halka tiro gaaraysa 2,247 oo qof ay ku naf waayeen. Tirada dhimashada ayaa qiyaas ah wayse ka badan tahay.
Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in bishii koowaad ee sanadkan iyo bishan sadexdeedii ay soo gaareen xeebaha Talyaaniga tiro gaaraysa 85,000 kun o qof, Talyaaniga ayaa raba in uu joojiya doonyaha imanaya ee ay badbaadinayaan.
Dhinaca kale heshiiska u dhexeeya Turkiga iyo midowga Yurub ayay ku tilmaameen in uu joojiyay qoxooti farabadan oo ka imanayay wadamada argagixisadu ka jirto. Sanadkii hore ayay iyadna sheegeen in 230 kun oo ka ordaya nolol xumo ay soo gaareen Yurub.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay