Amisom ayaa maanta ka guurtey dhismihii jaamacadii Gahayr ee Muqdisho oo ay deganaayeen muddo ku dhow 9 sanno. Amisom ayaa aagaasi uga dhanaanaysay argagixisada Shabaab in ay ka soo gasho magaalada Muqdisho.
Dhismooyinka jaamacadaha oo hoy u ahayd ciidamada AMISOM ee ka socday dalka Brundi ayaa hadda loo qorsheeyay in la dejiyo ciidan booliis ah oo u tababaran sida askarta.
Cidankan booliiska ayaa qayb ka ah hub ka sifeynta magaalada Muqdisho. Ciidamadii Brundi ee laga raray jaamacadaha ayaa la sheegay in la kala geeyay magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe iyo Laanta-buuro, gobolka Sh/Hoose.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay