Axmed Madoobe oo golaha wasiirada soo tusay dekedda Kismaayo oo dakhli ka soo galo. Maamul goboleedyada ayaanan wax dakhli ah la qaybsanin dawlada dhexe ayagoo sidoo kale rajaynaya in dawlada dhexe siiso lacag.
Ra’iisal wasaaraha waxaa kormeerkiiisa ku wehliyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, madaxa maamulka Jubba iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.
Waxaan saakay booqday Dekadda Kismaayo oo ah ilaha dhaqaale ee dalka, sidoo kalena ka mid ah 4-ta dekedood ee ugu weyn dalka” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo ay u ahayd markii ugu horeysay ee uu booqdo magaalada Kismaayo.
Dadaal ay dowladda federaalka ugu jirtay in lagu wareejiyo dekadda Kismaayo ayaan wax guul ah laga gaarin, inkastoo heshiiskii Adis ee Axmed Madoobe iyo dowladii Xasan Sheekh uu ka mid ahaa qodobkaasi.

C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay