November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Turkiga oo markab dagaal u direy Qubrus iyo sababta

Turkiga ayaa markab dagaal u direy Qubrusta Giriigu xukumo laguna biiriyay Yurub maadaama ay gaalo wada yihiin. Turkiga iyo Giriiga ayaa dagaal xoogan ku dhexmaray Qubrus sanadii 1974 halkaas oo jasiirada inteeda badan uu Turkigu gacanta ku dhigey.

Yurub ayaa Qubrusta Guriiga oo aad u yar ku biirisay Yurub halka ay ka reebtay mida Turkigu xukumo ayna degan yihiin Turki badan. Usbuucii hore ayaa Qubrusta Giriigu rasaas ku fureen markab ganacsi oo Turkigu leeyahay.



Waxase Qubrusta Giriigu sheegeen in ay saliid ka baadhayaan meel aan ka fogeyn amaba ah Qubrusta Turkiga ayadoo wadahadal u dhexeyay laada Qubrus uu burburey.



Turkiga ayaa sheegay in ayna aqbalayn in Qubrusta Giriigu saliid ka baadhaan waxayna u direen markab dagaal.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS