12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxweyne Erdogan oo u mahadceliyay dadkii badbaadiyay xukunkiisa: SAWIRO

Madaxweyne Erdogan ayaa u mahadceliyay dadkii badbaadiyay xukunkiisa oo xalay oo kale sanadkii hore laysku dayay in talada dalkaasi lagala wareego. Koox milatari ah ayaa taangiyo soo kaxaystey iskuna dayay iney xukunka boobaan.

Waxase ka hortagey shacabka Turkiga oo isku dhigey Taangiyadii ay wateen ayagoo ku qasbey in ay ka lugeeyaan taangiyadii loogu talogaley in inqilaabka ku fuliyaan. Erdogan ayaa xilligaas safar u joogey gobolkiisa.

Reer galbeedka iyo Carabta uu Sucuudigu ugu horeeyo ayaa lacago farobadan ku bixiya sidii ay talada dalka ugu tuuri lahaayeen urur diimeedka akhwaan Muslimiin ee uu hogaamiyo Erdogan ee ka taliya Turkiga.



Turkiga ayaa gacansaar la leh dawladaha ay ka taliyaan urur diimeedka akhwaanka oo hadda Qadar, Suudaan iyo Xamaas oo Qaaza ay ku soo hareen. Erdogan aya sheegay in kooxdii milatariga ahayd lagu jabiyay buundada Istaanbuul intii ayna gaarin Ankara iyo magaalooyinka kale.

Wuxuu sheegay haddii aan waxba lagu qaadan 15-kii Luulyo in 15-kale ee Luulyo ay soo socoto.



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS