20/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dawlada Somaliya oo war ka soo saartey internetka oo fashil ka dhacay

Dawlada Somaliya ayaa war ka soo saartey internetka oo fashil ka dhacay kadib markii uu maqnaa 23 cisho taas oo ku keentay Somaliya dhaqaalo xumo.

Cabdi Canshuur wuxuu sheegay Guddi khubaro ah inay baaris ku sameyn doonaan inta uu la eeg yahay Khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay Maqnaanshihii Internet-ka.



“Dowladda Somaliya waxa ay guddi khubaro ah u saareysa maqnaanshihii Internet-ka Khasaaraha ka dhashay ee dhanka Maaliyadda ah.” Ayuu yiri Wasiirka.



Hadalkiisa wuxuu intaasi ku daray Dowladda Somaliya inay aad ugu walaacsaneyd intii uu maqnaa Internet-ka maadaama shaqooyin badan ay xanibnaayeen.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayuu sheegay inuu aad ugu mahadcelinaayo, maadaama si aad ah ay arintaan uga shaqeeyeen sidii qadka loo heli lahaa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS