Lamaane la waayay 75 sano kahor oo barafku soo tufey ayaa laga helay buuraha loo yaqaan Alps ee ku yaala Swiserland. Lamaanahan oo ka tagey todoba caruura ayaa ninku ahaa kabo tole halka xaaskiisuna ahayn macalimad dugsi.
Caruurtii ay ka tageen ayaa meelkasta u maray si ay waalidkood u helaan 75 sano kahor oo ayna jirin casrigan iyo tiknoolajiyada jirtaa. Lamaanahan ayaa la sheegay xilliga la waayay in ay buurta u daaq geeyeen xoolahooda.
Waxase la aaminsan yahay in ay ku dhaceen hog aan dheerayn kadibna barafku ka daba yimi. Xaalada ay ku sugnaayeen ayaa lagu sheegay in ay qabeen dharkii xilligaa dadku xirnaa oo sidoodii ah maca kabihii iyo cag biyo ku wateen oo aan isbedelin.
Gabadheeda oo 75 jir ah ayaa sheegtay in ayna marnaba ka niyad jabin sidii ay u heli lahaayeen waalidkood hadana la aasi doono aasida ay xaqa u leeyihiin.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS


More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay