November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Bangiga aduunka oo xilli dhaqaalaha Somaliya kordheyo bilaabey arin kale: SAWIRO

Bangiga aduunka ayaa xilli dhaqaalaha Somaliya kordheyo bilaabey arin siyaasadeysan oo lagu soo jiidanayo shaqaalaha dawlada Somaliya ee Muqdisho u badan.

Wafdi uu hoggaaminayay Wakiilka Bandhigga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho ayaa la kulmay Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda C/llaahi Sh. Cali Qaloocow, iyagoo ka wada hadlay dar dar gelinta howlaha shaqo ee Bangiga Adduunka ka wado Soomaaliya.

Shirkaan oo daba socday shirar hore ayaa lagu falanqeeyey kordhinta lacagta ay ku kabaan mushaaraadka shaqaalaha oo ahayd $ 700,000 kun bihsii, ayaa hada Bangiga Aduunku go’aamiyey in laga dhigo $ 1,700,000 oo dollar bishii, laga bilaabo bishaan aan ku guda jirno.



Kabidda mushaarka shaqaalaha rayidka ah ayaa waxaa ayaa waxaa ku xiran fulinta shuruudo ay isla qaateen Bangiga Aduunka iyo dowladda Soomaaliya taas oo ah in lagu socdo nidaamkii Hagaajinta Maamulka iyo Maaliyadda (PFM) oo soo bilowday sanadkii 2013-kii, waxaana bil kasta si wada jir ah laysula eegayaa waxa ka qabsoomay shuruudahaas.



Bangiga Aduunka ayaa ka wada mashaariic kala duwan dalka kuwaas oo badankooda hoos yimaadaan wasaaradda maaliyada, mashariicda ayaa isugu jirta dib u habaynta shaqaalaha dowladda, dayactir iyo dhisida xarumaha dowaladda, kabida mushaaraadka oo ay ka fa’iidysanayaan maamul goboleedyada, iyo kor u qaadida tayada Hay’adaha dakhliga ee Dowladda iyo kuwo kale oo badan.

 

C/llahi Warmooge

ARAABINEWS